Ticker

6/recent/ticker-posts

MAXAA KU DHACAYA JIRKAAGA HADDII AADAN HELIN HURDO AAN KU FILANYN.

Hurdo la’aantu waa cadowga wax-ku-oolnimada. Xitaa hal habeen oo aad seexan weydo ayaa si ku-meelgaar ah u dhaawici karta awooddaada go'aan-qaadashada, uyeelashada fiiro gaar ah, iyo diiradda saaridda. Intaa waxaa dheer, waxa kugu adkaanaya inaa wax cusub barato ama aad shaqadaada xiise u yeelato haddii aad mar kasta la halgamayso indho hurdo la ildaran.

Hurdo la’aantu waxay si weyn u saameysaa waxa aan dareemeyno iyo sida aan u maarayno shucuurteena. Daraasado dhowaan la sameeyay ayaa sahminayay sida hurdo la’aantu u saameyso niyadda, shucuurta, iyo awoodda  xakamaynta. Meta-falanqayn lagu sameeyay 64 daraasadood ayaa muujisay in hurdada oo la waayo ay kordhiso niyad-xumada, gaar ahaan dhalinyarada, isla markaana waxa ay si weyn u dhimaysaa niyadda wanaagsan. Hurdada oo habeen dhan la seexan waxay si ka daran u saameysaa niyad-xumada marka loo eego marka hurdo yar la helo. Hurdo la’aantu waxay sidoo kale daciifisaa sida aan uga falcelinno xaaladaha shucuurta leh mid togan ama mid tabanba ha ahaatee. Waxaa intaa dheer, hurdo la’aantu waxay ka dhigtaa qofka mid ku adag inuu xakameeyo shucuurta, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada.

Hurdo wanaagsan ayaa muhiim u ah caafimaadka maqaarka. Maqaarku wuxuu soo maraa isbedbeddelo xilliga hurdada, sida isbeddelka qoyaan-kiisa, qulqulka dhiigga, iyo sida lakabka kore ee maqaarka u nuugo walxaha. Waxay sidoo kale dedejin kartaa gabowga maqaarka iyo xasilooni darrida microbiota-da maqaarka. Intaa waxaa dheer, dhibaatooyinka hurdada waxay carqaladeyn karaan awoodda maqaarka ee difaaca cudurrada. Ugu dambayn, hurdo tayo leh oo kugu filan waa furaha caafimaadka maqaarka iyo iyo qurxinta maqaarka.

Hurdo la’aantu waxay sidoo kale dhaawacdaa xusuusta. Marka aynaan helin hurdo ku filan, si fudud ayaynu u hilmaami karnaa waxyaabo, gaar ahaan xusuusaha ku saabsan dhacdooyinka iyo waayo-aragnimada (episodic memory). Daraasad lagu sameeyay dadka hurday habeen ka oo dhan, dadka hal maalin kaliya aan seexan, iyo kuwa aan habeen dhan seexanin, waxay muujisay in dadka aan seexan ay hilmaameen faahfaahin badan, gaar ahaan kuwa hurdada waayay habeen dhan. Waxa kale oo la ogaaday in hurdo la’aanta habeenkii aysan kaliya yareynin xusuusta qaybaha kala duwan, balse sidoo kale ay kala jebiso xiriirka u dhexeeya xusuusahaas, taasoo ka dhigaysa in xusuustii ay noqoto mid jajaban. Taasi waxay muujinaysaa in hurdo la’aantu ay sabab u tahay qaabka aynu wax u hilmaamno.

Hurdada iyo caafimaadka wadnaha si toos ah ayey isugu xiran yihiin. Daraasad la aqriyey ayaa muujisay in cayilka uu dhaawici karo hurdada, taasoo sii xumeyn karta cayilka iyo arrimaha wadnaha. Gunaanadkii! Hurdo tayo leh oo la waayo waxa la kulmi kartaa cawaaqib aan si degdeg ah u muuqan balse khatar wayn ah taasoo la xiriira caafimaadka wadnahaaga.

Waxaa muddo dheer la daraaseynayay xiriirka u dhexeeya hurdada iyo dhimista miisaanka, laakiin badanaa lama fiirin jirin in hurdadu tahay arrin adag oo leh dhowr qaybood. Daraasad la sameeyay oo lagu baadhayay 125 qof oo miisaankoodu sarreeyo kana qeybgalayay barnaamij miisaan dhimis ah oo muddo 12 bilood soconaya. Draasadaas ayaa muujisay in hurdada tayadeedu wanaagsan tahay ay si toos ah ula xiriirto miisaan dhimis badan iyo dufan dhimis. Qodobo gaar ah sida jadwal ka hurdada oo lajoogteeyo ah iyo qanacsanaanta hurdada ayaa si gaar ah ugu xirnaa guusha barnaamijka dhimista miisaanka.

Post a Comment

0 Comments